Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Maamulka Puntland Maxamuud Xasan Soocadde oo la hadlay Idaacadda BBC laanteeda Afka Soomaaliga ayaa ka hadlay Dagaalkii dadku ay ku dhinteen ee Magaalada Gaalkacyo ku dhexmaray Ciidamo kala taabacsan Maamulada Galmudug iyo Puntland.
Maxamuud Xasan soocadde ayaa sheegay in Maamulka Puntland uu diyaar u yahay wada hadal ay la galaan Maamulka kale ee Galmudug.
“Puntland waxaa ay diyaar u tahay in ay la hadasho Maamulka Galmudug oo Puntland waligeed ma raadin Colaad Nabadda ayey ka shaqeysaa”ayuu yiri Soo cadde.
Shalay ayey aheyd markii Dagaal u dhexeeya Ciidamada Puntland iyo Galmudug uu ka dhacay Magaalada Gaalkacyo.