Maamulka iyo Shaqaalaha Warbaahinta Hiiranweyn ayaa Farxada Hambalyada Ciida la qeybsanaya dhamaan Dadka Muslimiinta ah meel waliba ay aduunka ka joogaan.
Agaasimaha guud ee warbaahinta Radio Hiiraanweyn Max’ed Cismaan Makaran ayaa Hambalyada Ciidul Adxa u diray dhamaan Muslimiinta,isagoo si gaar ah Farxada ula qeybsaday Shacabka Soomaaliyeed dal iyo dibad meel kastoo dunida ka joogaa.
” Waxaan aad ugu faraxsanahay in maanta oo maalinta koowaad ee Ciidul Adxa Ilaahey samo nagu gaarsiiyay,si wanaagsan ula dabaal degeyno Shacabka Muslimiinta oo gudday Waajibaadkii lagu lahaa,marka waxaan leeyahay in ciidaan ciideeda ilaahey nagu gaarsiiyo samo iyo barwaaqo,”ayuu yiri Mudane Makaran
Wuxuu sheegay Agaasimaha Warbaahinra Hiranweyn Ee Magalada Baladweyne in maanta Damaashaadka Ciida Dhageystayaasha Idaacada lala qeybsanayo,islamarkaana loo soo bandhigi doono Barnaamijyo iyo Waliba Hadiyado kala duwan oo lagula dabaal degayo Farxada Ciida.
Guud ahaan maanta ayaa dalalka Islaamka si aad ah looga dabaal degayaa Munaasabada Mamulta Ciida adxa
.
Comments are closed.