fbpx
spot_imgspot_imgspot_imgspot_img
Warning: Array to string conversion in /customers/4/b/b/hiiraanweyn.net/httpd.www/wp-includes/shortcodes.php on line 395
HomeMacallimiin Loo Tababarayo Kubbadda Laliska
Array

Macallimiin Loo Tababarayo Kubbadda Laliska

Guddiga Olombikada Soomaaliyeed ee GOS ayaa  magaalada Muqdisho  tababar heer caalami ah uga furay  macallimiin cusub   oo loo tababarayo xirfadda macalinimo ee kubadda Laliska. Tababarkaan oo socon doona 12 maalin, waxaa ka qeyb galaya 15 macallin oo ka kala yimid magaalada Muqdisho iyo gobollada dalka.

Maxamed Xuurshe Xasan Eenow oo ka tirsan masuuliyiinta GOS ayaa sheegay in taabarkan   uu ka mid yahay qorsahaguddigu ay ku horumarinayo xiriirada iyo gobollada dalka  si loo helo macalimiin  soo saarta ciyaartoy  tayo leh. Qar ka mid ah macalimiinta ayaa laga keenay gobollada dalka.

Macalin  George Appaddo  oo ka mid ah tababarayaasha ayaa tilmaamay  in markii labaad uu soomaaliya tababar  ka bixinayo muhiimadii koowaadna ay tahay sidii kubadda laliska Soomaaliya  u horumari lahayd.

Ugu dambeyn waxaa seminaarka furay wasiirka ku xigeenka wasaaradda dhalinyarda iyo Isboortiga  Cusmaan Aadan Dhuuboow , waxuuna ammaan u soo jeediyay guddiga Olombikada Soomaliyeeed  oo isu keenay macalinmiin doorna siiyay  dhanka maamulka goboleedyada , waxuuna macallimiinta  kula dardaarmay  in ay ka faa’idaysataan fursaddan qaaliga ah.

 

MUQAALO

WARKA DUHURNIMO