Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Xasan Shekh Maxamuud ayaa sheegay in Madaxda Maamul goboleedyada Dalka ee Muqdisho ku sugan iney talada Qaranka qodobada ka soo baxa gaarsiiyaan deegaanada ay ka taliyaan ama ay ka yimaadaan.
Waxa uu tilmaamay in aysan jirin cid laga yeelayo iney talada keligood isku koobaan oo aysan gaarsiin shacabka deegaanadooda.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay iney muhiim tahay in talada Qaranka lala wadaago shacabka ku nool gobolada Dalka gaar ahaan deegaanada ay ka jiraan Maamul goboleedyada.
Xasan Sheekh waxa uu sheegay Bulshada inay qabaan cabsi iyo walaac ku aadan inaan siyaasada laga qaybgalin, isaga oo sheegay inay muhiim tahay tixgelin in la siiyo Bulshada oo la dhageysto aarahdooda.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa hadalkaani ka sheegay in ka dib markii uu Muqdisho ku soo xeray Shirkii Madasha wadatashiga.