Waxa uu sheegay Ugaaska in Madaxweynaha Dowla deegaanka ay u sheegeen in ciidamadiisa ay joojiyaan colaada, balse ilaa hada aysan jirin wax war ah oo ay ka hayaan Madaxweynaha ama uu ku soo warceliyay.
Maalmihii lasoo dhaafay waxaa dagaalo ay ka dhacayeen deeganada laba Baar iyo deegaano kale oo ku dhaw Xadka Ismaamulka Soomaalida Ethiopia uu la wadaago Gobolka Galgaduud, iyadoo dagaaladaasi ay ka dhasheen khasaaro kala duwan.
Maamulka Gobolka Galgaduud ayaa ku eedeeyay ciidamada Ismaamulka Soomaalida ee Ethiopia hoostagga inay laayeen shacab maati ah oo guryahooda ku noolaa.
Dadkii dhibaatada ay kasoo gaartay dagaaladaasi ayaa lagu dabiibayaa Isbitaalka Istarliin ee Magaalada Guriceel.
