Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa nasiib darro ku tilmaamay dagaalka dib uga qarxay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, ee u dhexeeya maamullada Galmudug iyo Puntland.
Madaxweynaha ayaa sheegay in Soomaaliya ay horyaallaan hawlo badan oo u baahan in si wadajir ah loo wajaho, isla markaana dagaal dambe oo sokeeye aan la aqbali karin in shacabka lagu mashquuliyo.
Waxaa uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud intaa ku darey in khilaaf kasta oo dhaca uu ku qurux badan yahay in wadahadal lagu xaliyo, Soomaaliyana ay ka gudubtey xilligii qoriga wax lagu xalin lahaa.
Waxaa uu ugu dambeyn Madaxweynaha ugu baaqey hoggaamiyeyaasha Galmudug iyo Puntland, Cabdikariim Xuseen iyo Cabdiweli Maxamed Cali inay u hoggaansamaan, si buuxdana u fuliyaan heshiiski shaley lagu kala saxiixday Gaalkacyo