fbpx
spot_imgspot_imgspot_imgspot_img
Warning: Array to string conversion in /customers/4/b/b/hiiraanweyn.net/httpd.www/wp-includes/shortcodes.php on line 395
HomeMadaxweynaha Faransiiska oo ku dhaawaqay xaalad deg deg ah iyo dhimashada oo...
Array

Madaxweynaha Faransiiska oo ku dhaawaqay xaalad deg deg ah iyo dhimashada oo gaartay 153 ruux

Madaxweynaha Faransiiska Francois Hollande ayaa xaalad deg deg ah kaga dhawaaqay dalkiisa, isagoo amray in gebi ahaanba la xiro xuduudaha Faransiiska, kadib weerarkii dadka faraha badan ku dhinteen ee habeenimadii xalay ka dhacay magaalada Paris.

Madaxweynaha Faransiiska ayaa kulan deg deg ah isugu yeeray Golihiisa Wasiirada iyo Madaxda Ammaanka, si ay uga arrinsadaan weeraradii Paris.

Laamaha Ammaanka Faransiiska ayaa sheegaya in illaa lix meel ay ka dhaceen weeraro isugu jiray qaraxyo iyo toogasho, waxaana ku dhintay dad ka badan 150-ruux, halka in ka badan 200 oo kale ay ku dhaawacmeen.

Dacwad Oogaha Faransiiska ayaa sheegay in illaa sideed ruux oo ahaa kooxihii weerarka fuliyay la dilay, kuwaasoo todobo ka mid ah ay jaakadaha qaraxa xirnaayeen.

Madaxweyne Hollande ayaa ku tilmaamay ficilkan mid wuxuushnimo ah, waxaana uu sheegay in Faransiiska ay ula dagaalami doonto argagixisada si aan naxariis laheyn.

In ka badan 1,500 oo askari ayaa la dhigay magaalada Paris, si ay u sugaan ammaanka, waxaa aad loo ilaalinayay goobaha laga raaco Tareenada.

Xilliga weerarada dhacayeen Madaxweynaha Faransiiska ayaa ku sugnaa garoonka Stade de France, halkaasoo ay ka socotay ciyaar saaxibtinimo oo u dhaxeysay xulalka Faransiiska iyo Jarmalka.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Faransiiska ayaa sheegaya in illaa 112 ay ku dhaceen Tiyaatarka Bataclan, halkaasoo koox fanaaniin Mareykan ah ay bandhig heeso ah ka qaadayeen.

Madaxda Caalamka, sida Madaxweynaha, Britain, Shiinaha, Turkiga, Iiraan, Jarmalka iyo kuwa kale ayaa ku tilmaamay weerarkan mid ka dhan ah bani’aadanimada, iyagoo tacsi u diray Faransiiska.

Weerarkii Paris kadib waxaa la adkeeyay ammaanka magaalooyin ay ka mid tahay New York, Boston iyo kuwa kale, iyagoo laga cabsi qabo in weeraradaas mid la mid ah ay dhacaan.

Dalka Belgium ayaa xiray xuduuda uu la wadaago Faransiiska, sidoo kale Britain ayaa sare u qaaday dhaq dhaqaaqeeda dhinaca amniga.

Waa weerarkii ugu xumaa abid ee ka dhaca Faransiiska, tan iyo dagaalkii labaad ee adduunka, sidoo kale waa weerarkii labaad ee sanadkan oo ka dhaca magaalada Paris, hotaantii bishii Janaayo ayay aheyd markii dabley hubeysan ay weerareen wargeyska Charlie Hebdo, halkaasoo lagu dilay illaa 12 ruux.

MUQAALO

WARKA DUHURNIMO

{DAAWO SAWIRADA} Dhimasho Iyo Dhaawac Ka Dhashay Qarax Ismiidaamin Ah oo...

0
Jimco Sebtembar 29, 2023 {HMC} Warar dheeraad ah ayaa ka so baxaayo qasaaraha ka dhashay qaraxii Ismiidaaminta ahaa oo galabta ka dhacay Maqaaxi ku...