{DAAWO SAWIRADA} Madaxweynaha Galmudug Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka iyo Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya

0

JIMCO September 23, 2022 {HMC} Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye, Taliyaha Ciidamada Xoogga Odowaa Yuusuf, Wasiirka Gaashaandhigga Cabduqaadir Maxamed Nuur, Xildhibaano Federaalka ah, Wasiirro iyo Xildhibaano ka tirsan Galmudug iyo maamulka caasimadda Dhuusamareeb ayaa galabta gaaray furimaha Sinadhaqo, Gusar, Dhaban-Dhulkuheys iyo Labidulle oo ay ku suganyihiin ciidamada dowladda.

 

Masuuliyiintan ayaa dhiirrigelin iyo in loo diyaar garoobo dagaal saf ah ugu tagay ciidanka, waxeyna tani kusoo aadeyso xilli gobolada Mudug iyo Galguduud ay ka socdaan diyaar garowgii ugu dambeeyay ee lagu xoreynaayo deegaanada ka maqan maamulka Galmudug.

SHARE