Madaxweynaha Maamul Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa sheegay in la diyaariyay Ciidamadii Xarakada Al-shabaab ka saari lahaa Gobolka Jubbada Dhexe islamarkaana ah Gobolka kaliya oo Al-shabaab ay si buuxda u maamulaan.
Axmed Madoobe ayaa Tilmaamay in Howlgalka ay iska kaashanayaan Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM iyo Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.
Madaxweynahu waxaa uu sheegay in Qorshaha uu yahay sidii Howlgalkaasi uu u suurto gali lahaa in uu biloowdo waqti dhaw.
Sidoo kale Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa sheegay in ay ka warqabaan Awooda Al-shabaab ay ku leeyihiin Gobolka Jubbada Dhexe,balse Ciidamada Huwanta ah ee Howlgalka bilaabaya ay qabaan Foojignaan dheeri ah,waxaana uu rajo wanaagsan ka muujiyay in si sahlan gacanta loogu dhigi doono Gobolka Jubbada dhexe oo uusan wax badan ka duwanaanin goobihii horay Shabaab loogala wareegay.
Al-shabaab ayaa gabi ahaanba maamula Jubbada Dhexe,waxaana la aaminan yahay in Cududooda Ciidan ay halkaa iskugu geeyen si uu baaqi Gacantooda ugu sii ahaado Gobolkaas.