Madaxweynaha Maamulka Puntland Mudane C/wali Maxamed Cali Gaas iyo Wafdi balaaran oo uu hogaaminayo ayaa Saaka lagu wadaa in ay Booqasho ku tagaan Degmada Burtinle ee Gobolka Nugaal.
Madaxweynaha iyo Wafdigiisa ayaa Safar dhanka Lugta ah uga soo bixi doona Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland,kuwaas oo imaan doona Degmada Burtinle.
Degmada Burtinle ee Gobolka Nugaal ayaa waxaa ka soconaya qaban qaabada lagu soo dhaweynayo Madaxweynaha Punland C/wali Maxmed Cali iyo wafdigiisa.
Amaanka Magaalada Burtinle ayaa maanta si weyn loo Adkeeyay,iyadoo Ciidamada Amaanka Puntland halkaa la soo dhoobay.