Madaxweynaha oo sheegay in la qaban doono shirweyno looga hadlaayo waxyaabihii kasoo baxay shirarkii hiigsiga ee ka dhacay dalka

0
439

Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa shaaca ka qaaday Dowladda Somaliya inay qabanayso shir weyne looga hadlaayo fekradihii laga soo uruuriyay dadka ku nool Gobolada dalka Somaliya ee ka qaybgalay Shirarkii wadatashiga ee Marxalada Somaliya.

Xasan Sheekh waxa uu sheegay muhiimada shirka inay noqonayso in la isweydiiyo waxa ka soo baxay shirarkaasi iyo fikradaha in la aruuriyo kadibna laga soo dhex saaro muhiimada fekradahaasi.

“Warbixintan tii ka horreysay waxaan dadka u sheegnay in 16-ki bisha dalka meel kastoo ka mid ah loo safray loo wada dhaqaaqay deegaanadaasi dadka deggan iyo gudiyadi halkan laga diray iney si wada hir ah uga wada qeybgaleen wada tashiga Qaran ee looga wada tashanayay marxaladda isbedelka, waxaa Alle mahadiis ah oon rabaa dadka Soomaaliyeed inaan u sheego in wada tashigaasi uu si aad iyo aad u qurux badan uu u dhacay ” ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha wuxuu sheegay hal ruux oo Somali ah feker ka yimid inay suuragal tahay in la dabaqo oo loo arko fekerkaasi mid wanaagsan oo u qalma in looga gudbo marxalada dalka Somaliya.

Dowladda Somaliya ayaa horay u sheegtay dalka inaysan ka dhici karin doorasho qof iyo cod ah, sidaasi awgeedna loo baahan yahay in laga tashado nooca doorasho ee dalka ka dhaceysa

 

SHARE