fbpx
spot_imgspot_imgspot_imgspot_img
Warning: Array to string conversion in /customers/4/b/b/hiiraanweyn.net/httpd.www/wp-includes/shortcodes.php on line 395
HomeMadaxweynaha somaliye oo sheegey in loo baahan yahay in laga wada qeyb...
Array

Madaxweynaha somaliye oo sheegey in loo baahan yahay in laga wada qeyb qaato hormarka dalka

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud mudane Xasan Sheikh Maxamuud oo maanta daah furay Shirka madasha wadatashiga heerka Qaran ayaa ka hadlay arimo badan oo quseeya xaalada dalka Soomaaliya iyo hanaanka la doonayo in lagu wajaho sanadka 2016-ka.

Madaxweynaha oo khudbadiisa ay eheyd mid aad u dheer si qoto dheer kaga hadlay Xaaladda siyaasadda,horumarada Dowladda ay ku tilaabsaday sida arrimaha Federaalka,Dastuura,xoreynta dalka,xoojinta xiriirka caalamiga ah iyo arrimo kale oo aad u muhiim ugu ah dalka iyo dadka.

Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa sheegay in dalka uu soo maray marxalad adag,islamarkaana haatan laga soo gudbay,lana doonayo in si wada jir ah looga wada shaqeeyo sidii hormarka iyo bidhaanta nabad ee dalka ka jirta qof waliba dhexda u xirto.

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu xusay in sedexdii sano ee la soo dhaafay Dowladda Soomaaliya ay ku guuleysatay dhisida maamul goboleedyo oo uu sheegay in madashani qeyb ka yihiin islamarkaana ay matalaan Umadda Soomaaliyeed,kuwa dhimana dhawaan ay rajeynayaan in ay ku guuleystaan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo sii hadlay ayaa sheegay in howlaha hiigsiga 2016-ka ay barbar socotay arrimo badan oo ay ka mid tahay dib u hesiishiin iyo ka shaqeynta amniga iyo sidii adeegyada muhiimka ah loo gaarsiin lahaa bulshada.

Sidoo kale,madaxweyne Xasan Sheikh ayaa balan qaaday in madaxda Dowlada Federaalka Soomaaliya ay go’an tahay dhaqan gelinta go’aamada wax ku oolka ah ee ka soo baxaya shirka madasha wadatashiga heerka qaran ee wajigiisa koowaad maanta ka dhacay Muqdisho.

Madaxda maamul goboleedyada dalka oo ka qeyb galay shirka maanta ayaa dhankooda waxay ka digeen fashil ku yimaada Dowlada Hadii ay dhiciweyso doorasho aka timaada Shacabka Soomaaliyeed 2016-ka.

MUQAALO

WARKA DUHURNIMO

Kenya oo ammar ku bixisay in aragti lagu toogto kooxo dhibaato...

0
Dilalka xoolo dhaqatada iyo dhaca loo geesanayo xoolahooda gaar ahaan lo’da ayaa kusoo badanaya gobolka galbeedka dalka Kenya kuyaalla ee Rift Valley, waxaana gobolkaasi...