Wada Hadalo Mudo dhor maalmood ah qaatay kadib madaxweynaha Jaamuriyada Federaalka ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheikh Maxamuud ayaa maanta ku guuleystay In uu furo shirka Maamul Usameynta gobolada dhexe.
Munaasabad aan caadi ahayn oo ay kasoo qeyb galeen Odayaasha dhaqanka Labada Gobol Saxiixayaashii Maamulka Gobolada dhexe, mushraxiinta isu soo taagta Madaxtinimada Maamulka Gobolada dhexe oo dowlada Federaalka ee Soomaaliya ay goob joog ka ahayd ayaa maanta ka dhacday Xarunta shirka Maamul Usameynta gobolada dhexe ee Cadaado taa oo Madaxweynaha Soomaaliya si rasmi ah uga furay shirka maamulka Loogu sameynayo gobolada Mudug iyo Gal-gaduud ee Bartamaha Soomaaliya.
Saxiixayaasha Maamulka loo sameynayo goboladan, Gudoomiyaha gudiga Farsamada Maamul Usameynta gobolada dhexe. iyo salaadiinta beelaha gobolada Mudug iyo Gal-gaduud ee Munaasbada ka qeyb galay ayaa ugu horeyn ka hadlay Madasha.
Gaban-gabadii wasiirka arrimaha Gudaha iyo Federaalka Xukuumada Soomaaliya Abdirahman Mohamed Husein Odawaa ayaa hadal kooban ka jeediyay iyadoo uu munaasbada soo xiray islamarkaana uu si rasmi ah u furay shirka Maamul Usameynta Gobolada dhexe Madaxweynaha Jamuuriyada Federaalka ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheikh Maxamuud oo ku amaanay bulshada gobolada mudug iyo galgaduud gaar ahaan kuwa reer cadaado sida ay ugu heegan yihiin in ay helaan maamul iyo dowlad goboleed ay tilmaameen in ay noqon doonto mid asataan u noqon doonta gobolada dhexe ee soomaaliya ee mudug iyo galgaduud.