fbpx
spot_imgspot_imgspot_imgspot_img
Warning: Array to string conversion in /customers/4/b/b/hiiraanweyn.net/httpd.www/wp-includes/shortcodes.php on line 395
HomeMadaxweynaha Soomaaliya Oo Shegay in Shirka Cadaado Loo dhisayo Si...
Array

Madaxweynaha Soomaaliya Oo Shegay in Shirka Cadaado Loo dhisayo Si lamid ah Maamullada kale Ee Ka Jira Dalka

Madaxweynaha Dowlada Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo u amaba baxay Dalka Turkiga ayaa sheegay in shirka ka furmay degmada Cadaado ee gobolka Galguduud uu kaso baxayo maamul la mid ah kuwa gobollada dalka ka jira, isagoo xusay inay dhan yihiin dhamaan bulshada kasoo jeedda Gobollada Dhexe ee Soomaaliya.

Xasan Sheekh oo suxufiyiinta kula hadlayay garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa intaas ku daray in shirka Cadaado uu yahay mid ay rajo weyn ka qabaan ayna ku rajo-weyn yihiin in natiijo wanaagsan ay kasoo baxdo.

“Shirka Cadaado waa mid loo dhan yahay oo ay ka qaybgalayaan bulshada kasoo jeeda gobollada dhexe oo dhan. Waxaana kasoo bixi doona maamul kuwa hadda dalka ka jira la mid ah,” ayuu yiri madaxweyne Xasan.

Wuxuuna madaxweyhuhu ugu baaqay odayaasha dhaqanka ee Gobollada Dhexe inay sii wadaan dib-u-heshiisiinta, isagoo xusay in dhammaan ergooyinka shirkaas ka qeyb-galaya ay matalayaan dadka ku nool gobolladaas.

Dhanka kale, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa uga gudbi doona Turkiga wadanka Jordan, isagoo booqashadiisa Jordan ay tahay mid ka dambeysa kaddib markii uu casuumaad ka helay boqorka Jordan.

Ugu dambeyn, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa shalay furay shirka degmada Cadaado oo ay maalmihii aynu kasoo gudubnay hor-taagnaayeen caqabado ka dhashay magacaabistii uu Dhuuso-mareeb inay noqoto caasimadda maamulka lagu dhisayo.

MUQAALO

WARKA DUHURNIMO

{DAAWO SAWIRADA} Dhimasho Iyo Dhaawac Ka Dhashay Qarax Ismiidaamin Ah oo...

0
Jimco Sebtembar 29, 2023 {HMC} Warar dheeraad ah ayaa ka so baxaayo qasaaraha ka dhashay qaraxii Ismiidaaminta ahaa oo galabta ka dhacay Maqaaxi ku...