Monday, May 29, 2023
spot_imgspot_img
HomeARIMAHA BULSHADAMadaxweynaha Soomaaliya oo dhiggiisa dalka Uganda kala hadlay Wajiga Labaad ee dagaalka...

Madaxweynaha Soomaaliya oo dhiggiisa dalka Uganda kala hadlay Wajiga Labaad ee dagaalka Al-Shabaab

Isniin 20 March 2023 {HMC} Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qasriga Madaxtooyada Uganda kula kulmay dhiggiisa dalkaas Mudane Yoweri Museveni.

Labada Madaxweyne ayaa ka wadahadlay dagaalka dowlada Soomaaliya ay kula jirto Al-Shabaab iyo qorsheyaasha ku qotoma shirka Waddamada Ciidamada ay ka joogaan Soomaaliya ee TCC {Troop contributing countries} oo dhawaan ka qabsoomi doona magaalada Kampala ee dalka Uganda

Madaxweynaha dalka Uganda Mudane Yoweri Museveni ayaa ku ammaanay dowladda Soomaaliya guulaha wax ku oolka ah ay ka gaartay la dagaalllanka Al-Shabaab oo hadda galay waji labaad, isagoo xusay in dowladdiisa ay kaalin weyn ka qaadan doonto dagaallada.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ka go’an tahay ciribtirka Al-Shabaab si dalkeenna hormuud ugu noqdo isbedelka hurumarineed ee gobolka iyo guud ahaan qaradda Afrika.

 

MUQAALO

WARARKII UGU DANBEEYAY