Madaxweyne Biden oo Cambaareeyey Hanjabaada Ruushka ee isticmaalka hubka Nukliyeerka.

    0
    khamiis September 22, 2022 {HMC} Madaxweynaha dalka Maraykanka Joe Biden ayaa wax aan la aqbali karin ku tilmaamay duullaanka madaxweyne Vladimir Putin ee dalka Ukraine, iyada oo hoggaamiyaha dalka Ruushku uu kor u sii qaaday xiisadda dagaal isla markaana uu ku hanjabay inuu isticmaali doono hubka nukliyeerka
    Madaxweynaha oo hadal ka jeedinayey kulanka guud ee sannadlaha ah ee Qaramada Midoobay ee ka socda magaalada New York, ayaa Biden wuxuu khudbaddiisa inta badan u adeegsaday inuu ku cambaareeyo dalka Ruushka
    Xiisaddii dagaal ee ugu weynayd ayaa ka taagan dalka Ukraine, tan iyo markii uu bilaabmay duullaanka Ruushku bishii February 24-keedii, saacado uun ka hor intii aanay madaxda caalamku imanin kulanka ka socda xarunta Qaramada Midoobay, Putin oo ku sugan Moscow ayaa ku dhawaaqay abaabulka qayb ka mida ciidamada milateriga ee dalkaas, isagaa oo u yeeray illaa 300,000 oo ah ciidamada kaydka ah
    Madaxweynaha Ruushka Putin ayaa wacad waxa uu ku maray in uu tixgelin doono dhammaan xulashooyinka horyaalla, si loo ilaaliyo waxa uu ugu yeeray dhulka Ruushka, isaga oo kor u qaaday walaaca laga qabo inuu isticmaalo weerar dhinaca Nukliyeerka ah.
    SHARE