Monday, May 29, 2023
spot_imgspot_img
Warning: Array to string conversion in /customers/4/b/b/hiiraanweyn.net/httpd.www/wp-includes/shortcodes.php on line 355
HomeMadaxweyne Shariif Xasan oo Manta ku wajahan Baraawe kadib markii,,,
Array

Madaxweyne Shariif Xasan oo Manta ku wajahan Baraawe kadib markii,,,

Wararka ka imaanaya Magaalada Baydhabo oo Fariisin KMG ah u ah Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegaya in Maanta Madaxweynaha Maamulkaasi Shariif Xasan Sheikh Aadan uu ku Wajahan yahay Magaalada Baraawe ee Caasimadda Maamulka Koofur Galbeed kana tirsan Degmooyinka Gobolka Shabellaha Hoose.

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa  sheegay in Madaxweynaha iyo Wafdi uu Hogaaminayo maanta ay Booqasho ku tagi doonaan degmada Baraawe.

Qaban qaabo lagu soo dhaweynayo Madaxweynaha  Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa Saaka ka socota Degmada Baraawe,iyadoo si weyn loo adkeeyay Amaanka Magaalada.

Booqashada Madaxweynaha Koofur Galbeed uu ku tagayo Degmada Baraawe ayaa ah tii Labaad oo uu halkaa ku tago tan iyo markii loo doortay Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya.

 

MUQAALO

WARARKII UGU DANBEEYAY