Madaxweynaha Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheikh Aadan ayaa manata gaaray Maagaalada Afgooye isagoo halkaa uga qeybgalaya Shir lagu soo gaba gabeybnayo Colaadii dhexmartay Beelaha Gobolka Sh/hoose daga qaarkood.
Guddoomiye ku xigenka Dhanka Amniga Gobolka Sh/hoose Cali Nuur Maxamd oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in maanta leysala meel dhigi doona qodobada lagu heshiiyay islamarkaan maalinta barri ah Madaxweyne Shariif Xasan uu shirka soo xirayo.
labo Beelood oo wada Dega Gobolka Sh/hoose oo horay u dagaalmay ayaa shirkan dib u heshiisiinta loo qabtay waxaana Odayaasha labada dhinac ay sheegen inay dhaqan galin doonaan qodobada kasoo baxa Shirkaasi lagu soo gaba gabeynayo Degmada Afgooye.