Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Magaalada New york kulan gaar ah kula yeeshay Madaxda Wadamada Afrikaanka ah ee Ciidamadu ay ka joogaan Soomaaliya.
Madaxweynaha Soomaaliya iyo Madaxda Wadamada ay Ciidamadu ka joogaan Soomaaliya ayaa ka wada hadlay sidii Ciidamada AMISOM ay u sii dar dar galin lahaayeen Dagaalka lagula jiro Xarakada Al-shabaab.
Sidoo kale Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Soomaaliya waxaa uu kulan la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Wadanka Ingiriiska david cameron,kaas oo ay ka wada hadleen sidii david cameron uu uga dhabeyn lahaa Ciidamada uu u soo dirayo Soomaaliya.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale kulan gaar ah la qaatay Boqorka Dalka Joordan,iyagoona isla soo qaday Dagaalka lagula jiro Argagixisada.