fbpx
spot_imgspot_imgspot_imgspot_img
HomeWARARKAMadaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo lagu wado in uu furo kalfadhiga Saddexaad...

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo lagu wado in uu furo kalfadhiga Saddexaad ee BFS.

isniin May-29/2023-{HMC} Waxaa maanta lagu wadaa in Xarunta Villa Hargeysa uu ka furmo Kalfadhiga Saddexaad ee Baarlamaanka 11aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyada oo lagu wado in furo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Xoghaynta labada Aqal Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare oo kormeer ku tagay xarunta Villa Hargeysa oo lagu wado in ka furmo kalfadhiga Saddexaad ayaa sheegay in May 29, 2023-ka uu Madaxweyne Xasan Sheekh furayo kalfadhiga.

Magaalada Muqdisho waxaa  gaaray wafdi ka socda Baarlamaanka Jabuuti oo la filayo in ay qeyb ka noqdaan munaasabadda furitaanka kalfadhigga, iyada oo maalinimadii shalay lagu soo dhaweeyay Magaalada Muqdisho.

Mudanayaasha labada Aqal ayaa Fasax ku maqnaa iyaga oo lagu amray in ay dalka ku soo laabtaan si ay uga qeyb galaan munaasabadda lagu furayo kalfadhiga labaad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo ka dhaci doonta xarunta Golaha Shacabka ee Villa Hargeysa.

Madaxweynaha Jamhuuryiyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa furi doona kalfadhiga, isaga oo la filayo in uu ka jeediyo khudbad uu kaga hadlayo guud ahaan Xaaladda Dalka, dagaalka ay dowladda kula jirto Al-Shabaab iyo shirkii Muqdisho ugu soo gabagaboobay Golaha Wadatashiga Qaran.

MUQAALO

WARKA DUHURNIMO