fbpx
spot_imgspot_imgspot_imgspot_img
HomeWARARKAMadaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay Aqbalaadii codsiga Soomaaliya ee Dallada Bulshada...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay Aqbalaadii codsiga Soomaaliya ee Dallada Bulshada Bariga Afrika (EAC)

Jimco-02-June-2023-{HMC} Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo dhaweeyey aqbaaladda codsiga rasmiga ah ee dowladda Soomaaliya ay ku dooneysay ka mid noqoshada Dallada Bulshada Bariga Afrika (EAC), taas oo ay qalinka ku duugeen Madaxda dalalka ku mideysan dalladan.

Madaxweynaha ayaa oo ugu hambalyeeyey shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ansixinta codsigooda ku aaddanaa ku biiridda EAC ayaa ku tilmaamay arrinkan tallaabo wanaagsan oo ka tarjumeysa hor u socodka dowladnimada Soomaaliyeed iyo mira-dhalka qorsheyaasha qaran ee ku aaddan soocelinta doorka dalkeennu uu ku lahaa gobolka iyo guud ahaan qaaradda Afrika.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo dul istaagay faa’iidooyinka dhaqan-dhaqaale, amni iyo siyaasadeed ee dalkeennu uu ka dhaxlayo ka mid noqoshada Dallada Bulshada Bariga Afrika (EAC) ayaa sheegay in haataan ay dowladdu bilowday wada-xaajoodyada danwadaagga labada dhinac iyo qeybaha la iska kaashanayo, si uu isugu dheelli-tirnaado wax-wadaqabsigu.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyay Madaxda dalalka Dallada Bulshada Bariga Afrika iyo guddiyada farsamo ee ka shaqeyna ka mid noqosahda Soomaaliya ee dalladan, fursadda ay u siiyeen shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed in ay la midoobaan walaalahooda dalalka ku bahoobay dalladan.

MUQAALO

WARKA DUHURNIMO

RW Xamse oo la kulmay Madaxweynaha dalka Maraykanka Joe Biden.

0
Sabti Sebtembar 23, 2023 {HMC} Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa magaalada New York ee xarunta Qaramada Midoobay kula kulmay madax sarsare...