Saturday, February 4, 2023
spot_imgspot_imgspot_imgspot_img
HomeWARARKAMaleeshiyadii Suldaan Wabar Oo Ku Biiray Ciidamada maamulka Somaliland

Maleeshiyadii Suldaan Wabar Oo Ku Biiray Ciidamada maamulka Somaliland

Guddoomiyaha gobolka Awdal ayaa  warbahinta u sheegay in maleeshiyadaasi lagu xareeyay xerada Goronyo Cawl ee gobolkaasi si loo qarameeyo

Maleeshiyo ay tiradoodu dhan tahay ilaa iyo 57 oo la sheegay inay ka tirsanaayeen jabhad uu hoggaaminayay Suldaan Abuubakar Wabar oo marar dhowr ah carqalad ka geystay gudaha gobolka Awdal ayaa maanta ku biiray ciidamada Somaliland.

Guddoomiyaha gobolka Awdal Maxamuud Cali Saleebaan ayaa warbahinta  u sheegay in maleeshiyadaasi lagu xareeyay xerada Goronyo Cawl ee gobolkaasi si loo qarameeyo.

Isku dayo ah dhowr ah oo ay warbahinta-da sameysay si aan arrintan wax uga weydiino Suldaan Wabar, nooma suurta-gelin.

Maxamuud Cali Saleebaan, ayaa ku warramay in xubno isaga uu hoggaaminayo ay maanta gaareen meel 25 KM u jirta magaalada Boorama, halkaasi oo maleeshiyada lasoo xareeyey ay ku sugnaayeen, kana dhaadhiciyeen in la qareemyo.

Guddoomiyaha gobolka Awdal ayaa sheegay in maleeshiyada maanta kusoo biiray ciidamada  maamulka Somaliland ay ahaayeen kuwii uga dambeeyey ee ka haray jabhadda Suldaan Wabar, taasi oo soo idleyneysa shaqaaqadii ka jirtay gobolka.

 

 

MUQAALADA

ENGILSH NEWS

Somali children play football on Mogadishu streets as city hosts high-level...

0
Friday February 3, 2023 By Mohammed Dhaysane. MOGADISHU, Somalia Somali children came out Wednesday in the nation’s capital to play football on the streets as the...