Man United oo guul dirqi ah ka soo heshay kooxda Fulham oo ay booqatay

0
75

Manchester United ayaa guul dirqi ah ka soo heshay kooxda Fulham oo ay ku booqatay garoonka Craven Cottage, kaddib markii ay kaga soo adkaatay 1-2, ciyaar qeyb kahayd horyaalka Premier League.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 0-1 ay ku hoggaamineysay kooxda martida ahayd ee Manchester United.

Daqiiqadii 14-aad Manchester United ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta kaddib markii uu 0-1 ka dhigay xiddigooda khadka dhexe ee Eriksen.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

61 daqiiqo marka ay dheesha mareysay kooxda Fulham ayaa dhalisay goolka barbardhaca, waxaana 1-1 ka dhigay Daniel James.

Laakiin daqiiqadii 90 + 3-aad Alejandro Garnacho oo ay caawin kaga timid saaxiibkiis Christian Eriksen ayaa wuxuu hoggaanka u dhiibay kooxdiisa Manchester United, wuxuuna ciyaarta ka dhigay 1-2.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa waxay ku dhammaatay 1-2 ay kaga soo adkaatay Manchester United, kooxda Fulham oo ay ku booqatay garoonka Craven Cottage, United-ka ayaa waxay ku jirtaa kaalinta 5-aad ee miiska kala sarreynta horyaalka, waxayna leedahay 26 dhibcood.