Monday, May 29, 2023
spot_imgspot_img
Warning: Array to string conversion in /customers/4/b/b/hiiraanweyn.net/httpd.www/wp-includes/shortcodes.php on line 355
HomeMaraykanka oo kordhinaya joogitaanka ciidamadiisa dalka Afghanistan
Array

Maraykanka oo kordhinaya joogitaanka ciidamadiisa dalka Afghanistan

MadaxweynahaMaraykanka Barack Obama ayaa ku dhowaaqay qorshe uu ku doonayo in uu ku sii negaadaan ciidamadiisa dalka Afghanistan kadib markii ay kordheen weerarada ciidamada Daalibaan.

Obama ayaa qorshihiisa hore waxa uu ahaa in inta badan ciidamada Marayakanka laga saaro Afghanistan marka laga reebo ciidamo kooban oo ilaaliya safaarada Maraykaka ee Kabul kahor inta uusan xafiiska ka tagin January 2017.

Qorshahan cusub ayaa tirada ciidamada waxaa ay gaari doonaan 5,500 laga bilaabo horaanta 2017 waxana ay saldhigyo ku yeelanayaan Kabul,Bagram,Jalalabad iyo Kandahar. Ciidamo Maraykanka ee haatan jooga Afghanistan waxa ay gaarayaan 8900 oo askar.

Go’aankan ayaa imanaya afar bilood kadib markii ay kulamo joogta ah ay yeelanayeen Obama,hogaamiyaasha Afganistan iyo taliyaasha ciidamada Maraykanka ee ku sugan dalka Afghanistan.Sarkaal ka tirsan ciidamada Maraykanka ayaa waxa uu sheegay in dagaalka Afghanistan uu ahaa kii ugu dheeraa ee uu Maraykanku weligii galo ayna muddo toban sano caawinayeen dowlada Afghanistan.

Hase ahaatee, Zabihullah Mujahid afhayeenka Taliban ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan dagaalka ay kula jiraan ciidamada shisheeye eeku sugan dalka Afghanistan. Dhamaadkii bishii aynu ka soo gudubnay ayaa dagaalyahanada Daalibaan waxa ay muddo kooban la wareegeen maamulka magaalada Kunduz kahor inta aysan kasaarin ciidamada Afghanistan oo kaalmo ka helaya duqeyn dhinaca cirka ah.

MUQAALO

WARARKII UGU DANBEEYAY