Agaasimaha ciyaaraha ee kooxda PSV Eindhoven Marcel Brands ayaa shaaca ka qaaday in kooxaha Liverpool iyo Paris Saint Germain ay hogaanka u hayaan loolanka Memphis Depay iyagoo kaga horeeya Man United.
Sidoo kale agaasimaha ayaa meesha ka saaray in kooxda Bayern Munich ayba ku jirto loolanka xidigaan reer Holland ee da’da yar.
Brands ayaa bishii lasoo dhaafay qiray in xidigan 21-jirka ah ay ku raad joogaan sadex kooxood oo yurub ka dhisan wuxuuna sidoo kale xiligaas ka dhawaajiyay in xidigaan uu PSV kaga bixi karo kaliya 25 ilaa 30 Malyan Oo Pound.
“PSG iyo Liverpool ayaa saxiixa Depay kaga horeeya kooxda Man United” ayuu yiri Brands oo la hadlayay Fox Sports.
“Kooxaha doonaya xidigaan dhawaan wey kordheen, balse Bayern kuma jirto tartanka kooxaha doonaya iney la saxiixdaan Depay” Ayuu mar kale yiri.
Ugu dambeyntii Memphis Depay ayaa kooxdiisa PSV u hogaamiyay iney ku guuleysato horyaalka Holland, wuxuuna dhaliyay 21-gool, 28-kulan oo uu saftay.