“anigu halkaan uma soo istaagin TVga halagaa arko waxaan u so istaagay naftayda iyo nafafka ummadda Soomaaliyeed in aan ku baraarujiyo in ay wax taraan dadka Soomaaliyeed ee maanta qaxootiga ah iyagoo horay uga cararay dagaalo iyo colaad hadana maanta mar kale ka soo cararaya colaada in wax loo qabto in aan dadka ku baraarujiyo oo aan tusoo u muujiyoo u bilaabo ama aan howshii socotay dhinaceyga ka galaan ugu talo galay”ayay tiri marwada.
Waxay sidoo kale sheegtay in ay muhiim tahay in meel loogu soo wada jeesto u gurmashada dadka soomaaliyeed eek u so laabanayo dalkooda Hooyo ee ka soo cararayo dagaalada ka soconaya Dalka Yamen.
Hadalkaan ayay Marwada Madaxweynaha Qamar Cali Cumar ka sheegtay ka dib markii shalay iyada iyo gudiga badbaadinta iyo samata bixinta qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool dhibaateysan dalka Yemen ay gaarsiiyen dadkii ka soo cararay Yamen.
