Wafdi iskugu jira jira Wasiiro, Xildhibaano, Maamulka Gobolka Galagaduud,Odayaal iyo Siyaasiin ayaa maanta ka baxay Degmada Dhuusamareeb ee Gobolka Galagaduud,kuwaas oo ku wajahan Degmada Caabudwaaq ee Waqooyiga Gobolka.
Wafdiga ayaa waxaa hogaaminaya Wasiir Dowlaha Madaxtooyada Mahad Maxamed Salaad,waxaana kamid ah Xildhibaan Jawaahir Axmed Cilimi,Ambaasadoor Axmed C/salaan Xaaji Aadan ,Gudoomiyaha  Gobolka Xuseen Cali Weheliye  Cirfo,Ugaas Xasan Ugaas Maxamed Ugaas Nuur iyo Odayaal dhaqan.
Ujeedka Wafdiga ayaa la sheegay in uu yahay  sidii Odayaasha ku nool Waqooyiga Gobolka Galgaduud looga dhaadhicin lahaa  in ay tagaan Degmada Cadaado oo ay uga qeyb galaan Shirka Maamul u sameynta Gobolada Mudug iyo Galgaduud.
Degmada Caabudwaaq ayaa waxaa ku sugan Wafdi uu hor kacayo Wasiirka Gaanshaandhiga C/qaadir Sheikh Cali Diini.