Tuesday, June 6, 2023
spot_imgspot_img

Maxay ka wada hadleen Wasiirka Gaadiika & Ra’iisul Wasaaraha Malaysia?

KHamiis May-25/2023-{HMC} Wasiirka Wasaaradda Gaadiika iyo Duulista Hawada Xukumadda Faderaalka Soomaaliya Fardowso Cismaan Cigaal oo Maal mahan Safar shaqo ku joogtay Dalka Malaysia ayaa kulan gaar ah la qaadatay Ra’iisul wasaaraha Malaysia Mudane Yab Dato’ seri Anwar, waxana kulanka ku wahliyey Wasiirka Arrimaha Dibadda dalkaas Zambry Abdul Kadir.

Wasiirka Wasaaradda Gaadiika iyo Duulista Hawada Xukumadda Faderaalka Soomaaliya Fardowso Cismaan Cigaal ayaa Ra’iisul Wasaaraha Malaysia gaarsiisay salaan ay kaga siddey Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Faderalka Soomaliya Dr Xasan Sheekh Maxamuud.

Kulanka Wasiirka Gaadiidka iyo Hawada Soomaaliya iyo Ra’iisul Wasaaraha dalka Malaysia ayaa diiradda waxaa lagu saaray sidii labada dal iskaga kaashan lahayeen Siyaasadda, Ganacsiga iyo qodobo kale oo hortabin uleh xiriirka labada Soomaaliya iyo Malaysia.

Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay ka qeyb galaysa bandhigga caalamiga ah ee Langkawi ee badda iyo hawada LIMA23 kaas oo sanad waliba ka dhaca dalka Malaysia waxaana sanadkaan soo maaliya ku matalaya Wasiirka Gaadiidka iyo hawada Soomaaliya.

MUQAALADA

WARARKA

{DAAWO MUQAALKA} Soomaaliland oo So bandhigtay Ciidamo iyo Gaadiid ka so goostay Maamulka SSC

Talaado-june-06-6-2023-{HMC} Soomaaliland ayaa maanta So bandhigtay Ciidamo farabadan iyo Gaadiid ay sheegtay in ay ka so goostay Maamulka SSC khaatumo. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA