Maxkamadda darajada koowaad ee Ciidamada qalabka sida ayaa maanta xukunno dil ah ku riday labo askari, kuwaasoo horay dilal ugu geystay askar kale, iyadoo Maxkamadda ay cafis u fidisay dad lagu waayay wax dambi ah.
Eedeysanayaasha la xukumay waxaa ka mid ahaa dable Isaaq Maxamed Xaashi oo lagu xukumay dil toogasho ah, kadib markii lagu helay inuu si bareer ah u dilay Marxuum Ex Dable Macalin Aadan Ibraahim Cabdulle oo dilay 17/9/2015 ku dilay deegaanka Buulo Mareer ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Sidoo kale Maxkamadda ayaa waxay dil toogasho ku xukuntay Muxiyaddiin Maxamuud Calasow Ciid, kaasoo horay u dilay Marxuum la oran jiray Saciid Cali Maxamed, waxaana dilkiisa uu u adeegsaday bastoolad taariikhda markii ay aheyd 21/8/2015, kuna dilay degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir.
Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida G/sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa sheegay in la sii daayay labo askari oo lagu kala magacaabayay Axmed Cabdi Jaamac iyo Maxamed Jaamac Faarax oo lagu waayay dambigii lagu soo eedeeyay.
Midowga Yurub ayaa dhowaan ugu baaqay dowladda Federaalka inay joojiso xukunada dilka, isla markaana uu xadgudub ku ah xuquuqda aadanaha, waxaana Warbixin ka soo baxday Midowga Yurub ay sheegtay in dadka xukunada dilka lagu fuliyo aanay helin Racfaan, taasoo ay beenisay Maxkamadda sare ee Ciidamada qalabka sida