fbpx
spot_imgspot_imgspot_imgspot_img
HomeCIYAARAHAMid ka mid ah ciyaartooyda ugu firfircoon xulka qaranka Soomaaliya oo laga...

Mid ka mid ah ciyaartooyda ugu firfircoon xulka qaranka Soomaaliya oo laga reebay tartanka Afrika

Khamiis 27,04- 2023 {HMC} Mi ka mid ah ciyaartooyda ugu firfircoon xulka qaranka ee 17 jirada Soomaaliya ayaa la sheegay in tartanka Qaramada Qaaradda Afrika (U17) laga reebay.

Cabdi Xaafid oo ka mid ahaa xulka qaranka ayaa ka dib markii la marsiiyay baaritaano lagu ogaanayo da’da waxaa la shaaciyay inuu ka wayn yahay da’da 17 sano.

Qoraal la soo dhigay boogga rasmiga ah ee facebook ee Somali Football Federation, ayaa lagu yiri “Nasiib darro Soomaaliya waxaa naloo soo sheegay in uu dhacay cayaar yahayn Cabdixaafid Maxamed,”.

Xiririka kubbadda cagta Soomaaliya ayaa sida la sheegay dalbaday cadeymo dheeraad ah maadaama baaritaanka qeybtii hore ee Addis Ababa iyo Muqdisho ay SCANADU sheegeen in Cabdi Xaafid uu gudbay kuna gudbay 5+ oo ahayd marxaladda ugu dambeysa inta aan la gaarin marxaladda 6 oo ah marxaladda dhicitaanka.

Cabdi Xaafid ayaa waxaa si wayn loogu xusuustaa in uu kaalin mug leh ka qaatay qaaditaankii koobka kubadda cagta bariga Afrika ee 17 jirada oo Itoobiya lagu qabtay sanadkii hore.

MUQAALO

WARKA DUHURNIMO

Dowladda Sacuudiga oo joojisay dhoofka xoolaha Soomaaliland

0
Arbaco-4-October-2023 Soomaaliland ayaa sheegtay in dowlada Sacuudi Carabiya ay joojisay xoolihii ay ka dhoofin jirtay dakadaha Maamulka Somaliland. Wasiirka Xannaanada Xoolaha Siciid Sulub Maxamed, oo...