fbpx
spot_imgspot_imgspot_imgspot_img
Warning: Array to string conversion in /customers/4/b/b/hiiraanweyn.net/httpd.www/wp-includes/shortcodes.php on line 395
HomeMidowga Yurub oo sheegay in laga guuleystay Burcad Badeeda Soomaalida
Array

Midowga Yurub oo sheegay in laga guuleystay Burcad Badeeda Soomaalida

Sarkaalka hogaaminayo howlgalka ciidamada Midowga Yurub ay ka wadaan Biyaha Soomaaliya (Atalanta),Major General Martin Smith ayaa sheegay in howlgalka loogu magacdaray Atlanta ee ka dhanka ah Burcad Badeeda Soomaalida uu guuleystay.

Isagoo sarkaalka ka hadlayay shir ka dhacay magaalada Brussels,ayuu sheegay in sanadkii 2011-kii ay jireen 736-La heystayaal iyo 32-markab oo gacanta ugu jiray kooxaha burcad badeeda Soomaalida.

 

Sidoo kale, Major General Martin Smith ayaa xusay in hada burcad badeeda kaliya gacantooda ku jiraan 32-Laheyste laakiin aysan jirin wax markab ah oo afduub u heystaan,wuxuuna dhanka kale tilmaamay ineysan jirin weeraro kooxaha ay qaadeen Lixdii bilood ee la soo dhaafay.

 

 

Sarkaalka hogaaminayo howlgalka ciidamada Midowga Yurub ay ka wadaan Biyaha Soomaaliya (Atalanta), ayaa shaaca ka qaaday jiritaanka wali qatarta burcad badeeda Soomaalida,balse loo baahan yahay in la kordiyo howlgalka ka dhanka ah.

 

Howgalka ayuu hada carabaabay inay ka qeyb yihiin dalal aan ahayn Midowga Yurub sida Serbia,Montonegro iyo New Zealand halka Mustaqbalka dhowna ay ku soo biiri doonaan dalalka Chile,Colombia iyo Koonfurta Kuuriya,sida Mr Smith hadalka u dhigay.

sargaalka ladagaalanka  burcad badeedka ah

MUQAALO

WARKA DUHURNIMO

Sacuudiga oo qaaday tallaabo ka dhan ah Maamulka Somaliland

0
Arbaco, October -4- 2023-{HMC}  – Dowladda Sacuudi Carabiya ayaa joojisay xoolihii Somaliland ee loo dhoofin jiray dalkeeda, sida ay sheegtay xukuumadda Somaliland. Wasiirka Wasaaradda Xanaanada...