Militeriga Turkiga oo Duqeymo Culus ka geystay Qeybo ka mid ah Suuriya

    0
    174
    Khamiis November 24 2022 {HMC} Duqeymaha cirka ee Turkiga oo qeyb ka ah duullaan cusub oo ka dhan ah dagaalyahannada Kurdiyiinta Suuriya ayaa ka dhacay meel ku dhow ciidamada Mareykanka ee ku sugan gobolka Waqooyi-Bari ee dalka Suuriya
    Taliska Dhexe ee Mareykanka, oo ay hoos yimaadaan ku dhawaad 900 oo askari oo Mareykan ah oo ku sugan Suuriya, una xilsaaran ka hortagga kooxda la baxday dowladda Islaamka, ayaa markii ugu horreysay qiratay weerarkan Talaadadii, iyagoo sheegay in xilligaas aysan ku sugneyn saldhigga
    Laakiin sarkaal ka tirsan difaaca Mareykanka ayaa warbahinta u sheegay goor dambe oo Arbacadii in ciidamada Mareykanka ay ku dhow yihiin meel 300 mitir u jirta saldhigga, oo ku yaalla waqooyiga magaalada Hasakah
    Ilo ku dhow hoggaanka ciidamada SDF ee uu Maraykanku taageero ee Suuriya, oo la hadalay warbahinta wax  u sheegay in saldhiggan uu ka mid yahay dhismo weyn, isla markaana ciidamada Maraykanku ay ku jireen dhismo kale oo aan ka tirsanayn saldhigga laftiisa
    Saraakiisha ciidamada Maraykanka ayaa ka warwareegay in ay bixyaan tafaasiil dheeri ah, balse waxay u muuqdeen inay garwaaqsan yihiin halista dhacdada bayaan ay soo saareen gelinkii dambe ee Arbacadii.