Sunday, May 28, 2023
spot_imgspot_img
HomeCIYAARAHAMiyay Premier League Gacanta Man City Soo Galay Kaddib Guushii Xalay Arsenal...

Miyay Premier League Gacanta Man City Soo Galay Kaddib Guushii Xalay Arsenal ay Ka gaareen?

Khamiis 27,04- 2023 {HMC} Tababaraha kooxda Manchester City ee Pep Guardiola ayaa markale ka hadlay fursada kooxdiisa ee difaacashada Premier League markale kaddib guushii 4-1 ka ahayd ee ay xalay ku jiidjiideen Arsenal oo marti ugu ahayd Etihad Stadium.

Arsenal ayaa wali laba dhibcood ka sarreysa Man City laakiin kooxda difaacanaysa horyaalka ayaa laba kulan baaqi u yihiin oo haddii ay ciyaarahaas badiso hoggaanka ku qaban karta afar dhibcood.

Sky Blues ayaa kulankii ugu muhiimsanaa xilli ciyaareedkooda muujiyay khibrad weyn iyo sida ay ula soo qabsadeen cadaadiska wax weyna aysan ugu arag iyadoo sidii ugu fududayd ku kala dhantaalay safka da’da yar ee Arsenal.

Guardiola ayaa kulanka kaddib sheegay in ciyaartu ahayd mid muhiim ah balse aan waxba go’aaminayn isagoo dhinaca kale qirtay in haatan horyaalku gacantooda ku jiro.

Tababarihii hore ee Bayern Munich ayaa yidhi “Wuxuu ahaa kulan muhiim ah, ma ahayn mid wax go’aaminaya balse muhiim ayuu ahaa”. ayuu yiri Guardiola

“Waxaanu u ciyaarnay si aad u wanaagsan, waan ogahay kooxda aanu kahor tagnay. Wali iyaga ayaa ugu sarreeya”. ayuu yiri Guardiola

“Gabi ahaanba waxaan doorbidayaa booska aanu hadda joogno sababtoo ah waxay ku jirtaa haatan gacmaheena”. ayuu yiri Guardiola

“Waan jeclaan lahaa in labadan kulan ee noo hadhay lix dhibcood yihiin balse waa inaad guuleysato balse sidan ayaan doorbidayaa sababtoo ah anaga ayay nagu xidhan tahay”.

MUQAALO

WARARKII UGU DANBEEYAY