Tababaraha kooxda Chelsea ee Jose Mourino ayaa faah faahin ka bixiyay dhaawicii Diego Costa ku soo gaadhay kulankii Stamford Bridge ee ay Chelsea guusha kaga kaadhay kooxda Stoke City. Mourino ayaa sheegay in Costa uu garoomada ka maqnaan doono ugu yaraan muddo laba todobaad ah kadib markii uu kulankan ka ciyaaray 10 daqiiqo oo kaliya.
Xidiga ree Spain ayaa markii hore ku bilawday kursaga kaydka Blues laakiin Mourinho ayaa qaybtii danbe Costa soo raaciyay kooxdiisa isaga oo ku soo badalay Oscar. Laakiin Costa ayaa ciyaarta ku jiray 10 daqiiqo oo kaliya, waxaana soo gaadhay dhaawac muruqa ah oo uu markii horeba ku seegay kulamadii xulka qaranka Spain.
Costa ayay tan iyo xili ciyaareedkii dhibaato ka haysatay dhaawc muruqa ah oo soo noqnoqday. Costa ayaa markii uu xanuunka xamili waayay dalbaday in ciyaarta laga badalo isaga oo markiid danbana garoonka dhex jiifsaday.
Markii ay ciyaartu dhamaatay ayaa Mourinho wax laga waydiiyay xaalada Costa wuxuuna yidhi: āMa ogi inta uu leeg yahay dhaaca Costa laakiin waxaa hubaal ah in dhaawac muruqa ahi uu ugu yaraan qaato laba todobaad, laakiin aan eegno waxa dhaca. Waxa ugu muhiimsan ayaa ah saddexda dhibcoodā.Ā
Mourinho ayaa qirtay inuu halis galiyay Costa wuxuuna sheegay in Loic Remy uu booskiisa ka ciyaari doono kulamada uu maqan yahay Costa. Remy ayaa kooxdiisa udhaliyay goolka ay guusha kaga gadhay Stoke City.
Mourinho ayaa yidhi: āWaa inaad halis gashaa, waxaana sidoo kale halis sameeyay waaxda caafimaadka, laakiin runta ayaa ah in baadhitaankii lagu sameeyay laba maalmood ka hor aanay waxba tilmaamin, xataa kuwii shalaay lagu sameeyay ayan waxba sheegin. Muruqiisu saafi ayuu ahaa, sawirka laga qaadayna gabi ahaanba nadiif ayuu ahaa, wuxuuana ciyaarotygu tababarka qaatay laba jeerā.
Mourinho oo hadalkiisa siiwata ayaa yidhi: āLaba jeer ayuu Costa boqolkiiba boqol uu tababarka qaatay,Maanta ayuu tababar badan sameeyay.ficilo badan oo kale duwan ayuu sameeyay. Waxaanu goāaansanay in haddii ay ciyaartu waqtiga nasashada noqoto 3:0 ama 2:0 inaanu ciyaarin si aanu u ilaalino isla markaana uu todobaad kale uhaystoā.
Mourinho ayaa hadalkiisa ku soo gabagabeeyay: āLaakiin halis ayaanu galinay, waaxdayda caafimaadku waa mid fantastik ah, waxayna xili ciyaareedkan oo dhan sameynayeen waxyaabo fantastik ah. Wax dhibaato ahi ma jirto todobaadka danbena Remy ayaa ciyaari doona sidoo kale inta uu Costa maqan yahay Drogba ayaa ciyaari doonaā.