In ka badan 1,300 oo qof oo lagu xidhay Dalka Ruushka, ka dib mudaharaado ka dhacay dalkaas

    0
    khamiis September 22, 2022 {HMC} In ka badan 1,300 oo qof ayaa xabsiga la dhigay, ka dib mudaharaado ka dhacay dalka Ruushka kuwaas oo looga soo horjeedo go’aanka madaxweyne Putin ee ku aaddan in la abaabulo qaybo ka mid ah dadka rayidka ah si ay uga dagaalamaan dalka Ukraine, sida ay sheegeen koox si dhow ula socotay hawlgallada ciidamada booliska
    Kooxdan dabagalka oo lagu magcaabo OVD-info ayaa diiwaangelisay in la xidhay ugu yaraan 1,332 qof oo ka qaybgelayey debedbaxyo ka kala dhacay illaa 38 magaalo oo dalka Ruushka oo dhan ah, ka dib markii khudbadda jeediyey madaxweyne Putin
    Mudaharaadadan ayaa ahaa kuwii ugu xoogga badnaa ee ka dhaca dalka Ruushka tan iyo markii ay bilawdeen hawlgallada uu Ruushku ka fulinayey dalka Ukraine, bishii February ee sannadkan.
    Saxafiyiin ka tirsan wakaaladda wararka ee AFP oo ku sugan badhtamaha caasimadda Moscow ayaa sheegay in booliska rabshadaha ka hortagaa inay xidheen ugu yaraan 50 qof oo ku sugnaa suuq laga dukaamayso.
    Saxafiyiin kale oo ka tirsan wakaaladda wararka ee AFP oo ku sugan caasimaddii hore ee Ruushka ee St. Petersburg ayaa iyaguna arkay booliska oo hareereeyey koox yar oo mudaharaad samaynaysay, ka dibna xabsiga u taxaabay
    Debedbaxayaasha ayaa ku dhawaaqayey ereyo ay ka mid yihiin “ma jiro abaabul
    Wasiirka Difaaca ee Ruushka Sergei Shoigu ayaa sheegay in Ruushku uu haatan abaabulayo illaa 300,000 oo ah ciidamada kaydka, ka dib khudbaddii uu madaxweyne Putin ka jeediyey telefiishanka, isaga oo Putin uu sheegay inuu isticmaali doono tallaabo kasta oo milateri oo habboonaata
    Duulimaadyada ka baxaya dalka Ruushka ayaa toddobaadkan u muuqda kuwo buuxdhaafay, sida laga soo xigtay shirkadaha duulimaadka iyo xafiisyada tikidhada jara, waxaana muuqda in dad badani ay dalka ka dhoofayaan.
    SHARE