Wararka ka imaanaya Dalka Turkiga ayaa sheegaya in shil gashay dooni ay saarnaayeen dad muhaajiriin ah oo kusii jeeday Jaziirad kutaala Dalka Gariiga.
Shilka ayaa dhacay kadib markii doonidi ay saarnaayeen dadka muhaajiriinta ah ay ku dhacday markab badda marayay, waxaana halkaasi ka dhashay qasaaro dhimasho oo soo gaaray qaar kamid ah muhaajiriintii doonta saarnaa ee Yurub kusii jeeday.
Ugu yaraan 13-qof oo kamid ah rakaabkii doonta saarnaa ayna ku jiraan caruur ayaa la xaqiijiyay in ay shilkaasi ku dhinteen, waxaa sidoo kale jira dad aan wali nolol iyo geeri lagu heyn halka tiro kalana la bad baadiyay.
Shilkan ayaa ka dhacay xeebta dalka Turkiga gaar ahaan meel u dhaw dekadda la yiraahdo Canakkale, waxaana doonida shilka gashay kusii jeeday Jasiirad ku taallo dalka Giriigga.
Dad badan oo Muhaajiriin ah oo u badan Siiriyaan ayaa ku dhintay biyaha u dhaxeeya Dalalka Turkiga iyo Giriiga, waxaana arintan ay imaaneysaa xili kumanaan muhaajiriin ah oo u badan Siiriyaan ay kusii jeedaan Qaarada Yurub si ay nolol uga helaan.