Monday, May 29, 2023
spot_imgspot_img
Warning: Array to string conversion in /customers/4/b/b/hiiraanweyn.net/httpd.www/wp-includes/shortcodes.php on line 355
HomeMuran ka dhashay lows dartiis oo diyaarad loo dejiyay
Array

Muran ka dhashay lows dartiis oo diyaarad loo dejiyay

Maxkamad ku taalla waqooyiga Ireland ayaa dacwad ku soo oogtay nin Maraykan ah, kaas oo loo haysto in uu halis galiyay diyaaradii uu saarnaa iyo dambiyo kale.

Ninkaasi oo lagu magacaabo Jeremiah Mathias Thede ayaa dagaal u galay in loo kordhiyo lows diyaarada laga qaybinayay intii ay hawada ku jirtay.

Diyaaradda waxay ku socotay Chicago iyadoo ka soo baxday magaalada Rome ee dalka Talyaaniga.

Balse markii dambe waxay ku degtay magaalada Belfast kaddib markii laga cabsaday in ninkani lowska loo diiday ka carooday uu dhibaato u gaysta rakaabka.

Diyaaradda waxa qasab ku noqtay inay daadiso 50,000 oo litir oo shidaal ah, oo qiimahiisu yahay 500,000 oo doollar, si ay ugu degto garoon aan xamili karin culayskeeda.

Shirkadda diyaaradda ee United Airlines ayaa haatan laga yaabaa in ninkaasi ay ka codsato inuu soo celiyo qarashka dheeriga ah ee ay gashay.

Diyarad

MUQAALO

WARARKII UGU DANBEEYAY