fbpx
spot_imgspot_imgspot_imgspot_img
HomeWARARKAMusharraxiin iyo xidhibaano hore oo kasoo horjeestay war murtiyeedkii Golaha Wadatashiga Qaran

Musharraxiin iyo xidhibaano hore oo kasoo horjeestay war murtiyeedkii Golaha Wadatashiga Qaran

isniin May-29/2023-{HMC} Madaxweynayaal hore, Ra’iisul Wasaarayaal hore, xidhibaano iyo sidoo kale siyaasiyiin horey xilal usoo qabtay ayaa ka soo horjeestay go’aannadii Golaha Wadatashiga Qaran ee doorashada, iyagoo ku tilmaamay kuwa baalmarsan shuruucda dalka iyo awood qeybsiga.

Shakhsiyaadkan ayaa bayaan ay soo saareen waxay soo jeediyeen in wax ka bedel lagu sameeyo qodobada dastuuriga ah ee dalka ay shaqadoodu kasoo bilowdaan hey’addaha u asteysan lagana tala geliyo bulsha Soomaaliyeed.

Dowladda Soomaaliya ayey ugu baaqeen in marka hore mudnaanta lasiiyo in dalka laga xoreeyo Alshabaab, si degaanada la xoreeyo loo gaarsiiyo dowladnimada.

halkan hoose ka akhriso bayaanka oo dhameystiran.

MUQAALO

WARKA DUHURNIMO