Saturday, February 4, 2023
spot_imgspot_imgspot_imgspot_img
HomeWARARKAMuungaab oo la qorsheynayo in saacadaha soo socda xilka laga qaado Kadib...

Muungaab oo la qorsheynayo in saacadaha soo socda xilka laga qaado Kadib Faragilintii Howlaha Wasiirka Amniga

Warar ay heshay Idaacda Hiiraanweyn Ee Magalada Baladweyne  ayaa sheegaya inuu gabo gabo ku dhow yahay qorshe la doonayo in xilka looga qaado Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen ,Muungaab.

Qorshahan xil ka qaadista ayaa ahaa mid muddooyinkii u dambeeyay si aad ah loo hadal hayay, waxaana ay haatan ka soo dhamaatay Xafiisyada Madaxda dowladda.

Ilo xog ogaal ah ayaa u xaqiijiyay Radio Hiranweyn in xilka Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho loo magacaabay Yuusuf Xuseen Jimcaale, kaasoo warqadiisa ay tahay mid miiska saaran.

Waxaa horay u jiray warar suuqa soo galay oo ahaa in Maxamed Cali Afrax xilka loo magacaabi rabo, hase ahaatee saacadihii u dambeeyay hadal heyntiisa suuqa ka baxday.

Ma Cadda in magacaabista Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banadir ahna duqa Muqdisho in la shaacin doono ka hor inta uusan Madaxweynaha u ambabixin Sacuudi Carabiya, waxaase warkan ku saabsan xil ka qaadista Muungaab ay aheyd mid xalay ilaa saaka si aad ah loo hadal hayay.

Wixii warar ee ku soo kordha kala soco wararkeena dambe

MUQAALADA

ENGILSH NEWS

Somali children play football on Mogadishu streets as city hosts high-level...

0
Friday February 3, 2023 By Mohammed Dhaysane. MOGADISHU, Somalia Somali children came out Wednesday in the nation’s capital to play football on the streets as the...