Monday, May 29, 2023
spot_imgspot_img
Warning: Array to string conversion in /customers/4/b/b/hiiraanweyn.net/httpd.www/wp-includes/shortcodes.php on line 355
HomeMuwaadin u dhashay dalka yemen oo isku gubay afaafka xarunta hay’ada Qaxootiga...
Array

Muwaadin u dhashay dalka yemen oo isku gubay afaafka xarunta hay’ada Qaxootiga UNHCR ee Hargeysa

Wararka ka imanaya magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland ayaa sheegaya in muwaadin u dhashay dalka Yemen oo ka mid ahaa qoysaskii ka soo qaxay dagaalada Yemen uu isku hor qarxiyay Xarunta hay’ada Qaxootiga ee UNHCR ee magaalada Hargeysa.

Ninkan is gubay ayaa la sheegay in uusan u dhiman dabkii uu isku qabtay kadib markii gargaar degdeg ah loo sameeyay waxaana haatan lagu daweynayaa isbitaal ku yaal magaalada Hargeysa.

Ninkan isgubay ayaa la sheegay in uu u adkeysan waayay dhibaatooyin uu kala kulmay magaalada Hargeysa uuna waayay cid gargaar u fidisa. Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in ninkan ay la noolaayeen qoyskiisa.

Boqolaal qoys oo ka soo qaxday dalka Yemen ayaa soo gaartay magaalooyin ku yaal dalka Soomaaliya waxaana qoysaskaasi aysan ka helin kaalmo la taaban karo hay’adaha u qaabilsan caalamka qaxootiga.

Dalka Yemen ayaa boqolaal kun oo Soomaali ah ayaa u qaxay dalka Yemen kadib dagaaladii sokeeye ee ka dhacay dalka Soomaaliya, waxaana qoysaskaasi lagu soo dhoweynayay xeebaha dalka Yemen marka ay soo gaaraan iyadoo la geynayay xeryo qaxooti ah halkaa oo ay ka helayeen cunto,dawo iyo hoyba.

Hase ahaatee waxaa muuqata haatan in qaxootigii ka soo cararay dagaaladii sokeeyee ee dalka Yemen gaar ahaan kuwa aan u dhalan Soomaaliya aysan helin mudnaantii ay lahaayeen.

MUQAALO

WARARKII UGU DANBEEYAY