Safaaradda Soomaalida ee dalka Yemen, ayaa shaaca ka qaadday in ku dhawaad 30 qof oo Soomaali ah ay ku dhinteen weerar xagga cirka ah oo ka dhacay meel u dhow magaalada Cadan ee dalkaas. Qunsulka safaaradda Soomaalida ee Sanca, Cismaan Axmed Maxamuud oo u warramay idaacadda VOA-da, ayaa sheegay in madfac uu ku dhacay laba gaari oo ay saarnaayeen tiro Soomaali ah oo ku sii jeeday Cadan. Wuxuu sheegay in madaafiicdu ay gawaaridu ku dhacday waxyar kaddib markii ay istaajiyeen ciidamo kaga soo hor-baxay wado, oo aanan la garaneyn meesha laga soo ridday. Waa tiradii ugu badneyn oo Soomaali ah oo ku geeriyoota dagaalka Yemen, tan iyo markii uu billowday. Dhacdada ayaa ku soo beegantay, maalmo kaddib markii dowladda Soomaaliya ay sheegtay in ay soo daad-gureyn doonto muwaadhiniinteeda ku go’doonsan dalkaas.
Muwaadiniin SoomaaliAh Oo ku dhinatay duqeyn ka dhacday dalka Yemen
ENGILSH NEWS
Somali children play football on Mogadishu streets as city hosts high-level...
Friday February 3, 2023
By Mohammed Dhaysane.
MOGADISHU, Somalia Somali children came out Wednesday in the nation’s capital to play football on the streets as the...