Madaxweyne Kuxigeenka Mamaulka Galmudug Maxamed Xaashi Carabeey ayaa kulamo gaar gaar ah la qaatay waxgaradka iyo Mas’uuliyeenta Degaanka Balan-Balle ee Waqooyiga Gobolka Galgaduud.
Wafdiga uu hoggaaminayo Madaxweyne kuxigeenka Dawlad Goboleedka Galmudug Mudane Maxamed Xaashi Caraneey ayaa Shalay gaaray Degaankaas ,waxaana ku weheliyey socdaal kiisa xubno ka tirsan Maamulka Galmudug oo iskugu jira Wasiiro ,Xildhibaano, siyaasiyiin iyo waxgarad.
Waxaa ay wararku sheegayaan in Madaxweyne kuxigeenku uu kulamo la qaadanyo xalay illaa saaka Maamulka Degaankaas, Waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Balan-Bale ee Gobolka Galgaduud.
Maamulka Dagmada ayaa ka codsaday Madaxda Maamulka Galmudug ee gaaray halkaas in ay u baahan yihiin in loo sameeyo Xarumo aad muhiim ugu ah oo ay kamid yihiin Goobo Waxbarasho.