spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS Naqshadda cusub ee garoonka Old Trafford oo soo bandhigay.

Naqshadda cusub ee garoonka Old Trafford oo soo bandhigay.

0
21

Jimco, 28 Nov 2025 {HMC} Garoonka cusub ee Old Trafford ee Manchester United ayaa ka mid ah 22 garoon oo ku yaala UK oo ay doonayso in ay ugu tartanto martigelinta Koobka Adduunka Haweenka ee 2035-ka.

Old Trafford looma xulan tartanka ragga ee Yurub ee 2028, dib-u-horumarintiisuna wuxuu weli ku jiraa marxaladdaha qorsheynta.

England, Scotland, Wales iyo Waqooyiga Ireland dalabkooda wadajirka ah ayaa ah mid aan cidna ka hor imaan, waxaana lagu ansixin karaa cod qaadista shirweynaha Fifa ee dhacaya sanadka soo socda ee 2026-ka.

Haddii qorshayaasha dibu dhiska ay socon waayaan, Old Trafford wali waxaa loo tixgalin doonaa qaabka uu hadda yahay.

Garoomada kale ee lagu wado in lagu ciyaaro waxaa ka mid ah garoonka cusub ee Birmingham City ay qorsheyneyso iyo Wembley – oo ay u badan tahay inuu martigelin doono ciyaarta finalka.

Haddii dalabka UK la xaqiijiyo ee tartanka koobka aduunka ee gabdhaha 2035, wuxuu noqon doonaa markii labaad ee koobka aduunka lagu qabto wadankiisa kaddib 1966-kii oo uu martigaliyay tartanka koobka aduunka ee wiilasha.

Isku soo wada duuboo, 22 garoon ayaa lagu sheegay bandhigii maanta oo jimce ah – 16 England ah, 3 Wales ah, labo ku yaal Scotland iyo hal ku yaala Waqooyiga Ireland.

Xigasho BBC

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here