Monday, May 29, 2023
spot_imgspot_img
HomeWARARKANin booliska ka nixin jiray oo Mareykanka lagu xiray

Nin booliska ka nixin jiray oo Mareykanka lagu xiray

Jimco 31 March 2023 {HMC} Ciidanka Booliska Mareykanka ayaa maanta sheegay in ay gobolka Washington ku xireen, nin la sheegay in uu wici jiray ciidanka booliska isaga oo wada qeyla dhaan been ah oo ku saabsan weeraro ku wajahan iskuullada.

Boolisku waxay sheegeen in Ashton Connor Garcia oo 20 jir ah wax ka badan 20 jeer wacay saldhigyo boolis oo ku yaalla magaalooyin kala duwan oo ka tirsan Mareykanka iyo Canada. Wuxuu saldhigyadaasi ku wargeliyay suurtagalnimada weeraro deg deg ah oo isugu jira qaraxyo, toogasho iyo halis kale in muddo kooban loogu geysa doono xarumo ay ka mid yihiin iskuullo iyo goobo cibaado.

Ashton oo kasoo jeeda magaalada Bremerton, ayaa adeegsa jiray aalado laga helo internetka oo lagu baddali karo codka si aanan loo aqoonsan codkiisa iyo halka uu kasoo wacayo ciidanka amniga. Laakin codka uu duubay ee uu kula hadlay booliska ee wata qeyla dhaanta halista ah ayuu geli jiray baraha bulshada, sida ay sheegeen dacwad oogayaasha dowladda federaalka Mareykanka.

Wiilkaan ayaa lasoo taagi doonaa maxkamadda degmada Tacoma ee gobolka Washington, wuxuu wajahayaa ilaa 10 dacwo oo u uku muteysan karo xabsi gaaraya 10 sano.

MUQAALO

WARARKII UGU DANBEEYAY