Ciidanka ammaaanka ee Kismaayo ayaa toogtay nin lagu eedeeyay inuu door wayn ku lahaa weerarkii argagaxiso ee Sabtidii shalay lala beegsaday xero milateri oo ay ku tababaranayeen ciidan la qorsheynayo inay ku biiraan kuwa xoogga dalka.
Xasan Sankuus oo ka mid ahaan jiray tababareyaasha dugsiga tababarka ciidanka ee la weeraray ayaa lagu eedeeyay inuu u fududeeyay gaariga walxaha qarxa inuu dhaafo koontaroollada gaadiidka lagu baarayay marka loo socdo xerada milateriga.
Saraakiisha ammaanka ee Kismaayo wali kama hadlin dilka deg-degga ah ee lagu fuliyay eedeysanaha, oo aan la soo taagin maxkamad.
Ciidanka ammaanka ayaa sidoo kale su’aalo waydiinaya dhowr qof oo kale oo lagu eedeeyay inay ku lug lahaayeen weerarka.
In ka badan 25 askari oo dhibbow ah ayaa lagu dilay weerarka oo ay sheegatay mas’uuliyaddiisa Al-Shabaab.