fbpx
spot_imgspot_imgspot_imgspot_img
Warning: Array to string conversion in /customers/4/b/b/hiiraanweyn.net/httpd.www/wp-includes/shortcodes.php on line 395
HomeNin u ololeeya xaquuqul insaanka oo Bujumbura lagu dhaawacay
Array

Nin u ololeeya xaquuqul insaanka oo Bujumbura lagu dhaawacay

Nin u dhaq-dhaqaaqa arrimaha xaquuqul insaanka dalka Burundi ayaa si xun loogu dhaawacay weerar ka dhacay magaalada Bujunbura, maalin uun kaddib markii xiisad ay ka dhalatay dilka mid ka mid ah kalkaaliyeyaasha aadka ugu dhow madaxweynaha dalkaasi.

Ergayga agaarka ah ee mareykanka ee gobolka ayaa sheegay in uu aad uga naxay weerarkaasi ka dhanka ah ninkani sida cabsi la’aanta ahi ugu difaacayay caddaaladda.

Pierre Claver Mbonimpa ayaa waxaa toogasho ku dhaawacay nin hubeysan oo saarnaa mooto ama dhug-dhugley xilli uu ku sii jeeday gurigiisa oo ku yaala magaalada caasimadda ah ee Bujumbura.

Difaaca dhanka xaquuqda dadka maxaabiista ah iyo arrimo kale ee uu ka shaqeynayay ayaa waxa uu ku muteystay sumcad guud ahaan caalamka oo dhan.

Ninkani ayaa haatan waxa uu ku jiraa qaybta xaaladda deg degga ah ee cusbitaalka.

Geerida ninkani ayaa ku baahday gudaha dalka ka hor inta uusan dhicin weerarkaasi lagu dhaawacay.

Mas’uuliyiinta dalkaasi ayaa kal hore ku baaqay in la muujiyo xasilooni, waxa ayna ka digeen weerarro aargoosi ah kaddib dilkii loo geystay janaraal sare oo lagu magacaabi jiray Adolphe Nshimi-rimana.

Dalka Burundi ayaa muddo bilo ah waxaa ka jirtay xasillooni darro kaddib go’aankii madaxweyne Pierre Nkurunziza ee ahaa in uu mar saddexaad u tartamayo xilka madaxweynenimada.

Waxa uuna ku guuleystay doorashadii bishii la soo dhaafay, taasi oo inta badan ay qaadaceen mucaaradku.

burundi-11

MUQAALO

WARKA DUHURNIMO

{DAAWO SAWIRADA} Dhimasho Iyo Dhaawac Ka Dhashay Qarax Ismiidaamin Ah oo...

0
Jimco Sebtembar 29, 2023 {HMC} Warar dheeraad ah ayaa ka so baxaayo qasaaraha ka dhashay qaraxii Ismiidaaminta ahaa oo galabta ka dhacay Maqaaxi ku...