fbpx
spot_imgspot_imgspot_imgspot_img
HomeWARARKANinkii Sababta u ahaa geerida Xildhibaan Kulow Macalim Xasan oo Maxkamad lasoo...

Ninkii Sababta u ahaa geerida Xildhibaan Kulow Macalim Xasan oo Maxkamad lasoo taagay

Jimco 31 March 2023 {HMC} Maxkamad kutaalla magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya ayaa lasoo taagay nin dhallinyaro ah oo ku eedeesan in uu ka dambeeyay geerida xildhibaan Kulow Macalim Xasan oo arbacadii ku geeriyooday Nairobi.

Ninkan maxkamadda lasoo taagay oo lagu magacaabo Philip Mweteli ayaa lagu eedeeyay in mooto uu si xowli ah u waday ku dhuftay xlidhibaanka , xilli uu socday waddo dhax marta xaafada South B ee magaalada Nairobi.

Philip Mweteli oo lasoo taagay maxkamada sare ee Milimani Esther Kimilu ayaa beeniyay in 25-kii bishan Maarso mooto uu kaxeenayay ku dhacday xildhibaanka una geestay dhaawaca uu u geeriyooday.

Ninkan ayaa sidoo kale maxkamadda horteeda ka beeniyay in uu ku guul dareystay in uu shilkaasi soo sheego iyo in uu mootada kaxeynayay ruqsad la’aan, waxaana ninkan markii dambe maxkamadda kusii deysay damaanad dhan 300,000 oo shilnka dalka Kenya ah.

 

 

MUQAALO

WARKA DUHURNIMO

{DAAWO MUUQAALKA} Bulshada Somaaliyed ee dalka Norway oo taageeray dagaalka lagula...

0
Sabti Sebtembar 23, 2023 {HMC} Bulshada Somaaliyed ee dalka Norway oo taageeray dagaalka lagula jiro AS HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA