Jimco 9 Jun 2026 {HMC} Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ayaa Sabtida qaban doona shir degdeg ah oo ay yeelanayaan Golaha Wasiirrada Arrimaha Dibadda, si looga hadlo xaaladaha sii xumaanaya ee Soomaaliya, sida uu sheegay Xoghaynta Guud ee ururka.
War-saxaafadeed uu OIC soo saaray ayaa lagu sheegay in shirka degdegga ah la isugu imaan doono kaddib tallaabadii Israaiil ee halista ku ahayd madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.
War-saxaafadeedka OIC ayaa daba socday booqasho uu wasiirka arrimaha dibadda ee Israa’iil, Gideon Sa’ar, ku tegay Somaliland, wax ka yar laba toddobaad kaddib markii Israa’iil si rasmi ah u aqoonsatay madax bannaanida Somaliland.
Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika ayaa 6-da Janaayo ku baaqay in si degdeg ah loo laalo aqoonsiga ay Israa’iil siisay Somaliland, isagoo tallaabadaas ku tilmaamay xadgudub ka dhan ah madax-bannaanida Soomaaliya, isla markaana mar kale adkeeyay taageerada joogtada ah ee Midowga Afrika u hayo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.
Mas’uuliyiinta Israa’iil ayaa hore u qirtay inay jireen xiriirro aan rasmi ahayn iyo dano amni oo ay ku leeyihiin Geeska Afrika, balse dowladihii kala dambeeyay waxay ka fogaadeen aqoonsi rasmi ah, iyagoo tixgelinayay sharciga caalamiga ah, mowqifyada Midowga Afrika, iyo xiriirka ay la leeyihiin Soomaaliya iyo saaxiibadeeda gobolka.
OIC ayaa sheegtay in shirka uu ujeedkiisu yahay in la sameeyo mowqif Islaami ah oo mideysan oo ku aaddan arrintan, isla markaana dib loo xaqiijiyo taageerada wadajirka ah ee xuduudaha Soomaaliya ee caalamku aqoonsan yahay, si waafaqsan sharciga caalamiga ah.






