Sunday, May 28, 2023
spot_imgspot_img
HomeWARARKAPakistan oo shidaal ka soo iibsatay Ruushka ka dib markii Maraykanku u...

Pakistan oo shidaal ka soo iibsatay Ruushka ka dib markii Maraykanku u ogolaaday

Jimco April 28 2023 {HMC} Pakistan ayaa Khamiistii sheegtay in ay dalka Ruushka ka soo iibsatay saliida caydhiin, taas oo lagu siiyey qiime jaban, ka dib markii ay ogolaansho ka heshay dawladda Maraykanka. Shixnadda ugu horraysa ee shidaalka ay ka iibsatay Ruushka ayaa dalkaas soo gaadhaya maalmaha soo socda.

Masood Khan oo ah danjiraha Pakistan u fadhiya dalka Maraykanka ayaa hadalkan ka sheegay shir ka dhacay magaalada Washington oo uu soo qabanqaabiyey machadka Wilson Center ee qaabilsan Koonfurta Aasiya, kaasoo lagaga hadlay xidhiidhka mustaqbalka ee labada dal.

“Waxaan samaynay dalabkii ugu horreeyey ee la xidhiidha shidaalka Ruushka, waxaanuna tallaabadan qaadnay, annaga oo la tashanay dawladda Maraykanka. Ma jiro wax isfaham waa ah oo naga dhexeeya annaga iyo Washington oo ku saabsan arrintan” ayuu yidhi danjiruhu.

Diblomaasigan ayaa ka jawaabayey aragtiyaha la xidhiidha, in tallaabadan ay Pakistan qaaday inay sii xumaynayso xidhiidhka aan hagaagsanayn ee u dhexeeya Maraykanka iyo Pakistan.

Hadalka danjiraha ayaa ku soo beegmay saacado uun ka dib markii ra’iisal wasaaraha Pakistan Shehbaz Sharif uu u sheegay baarlamaanka, in dalkiisa ay soo gaadhi doonaan shixnaddii ugu horraysay ee shidaalka ay ka soo iibsadeen Ruushka.

MUQAALO

WARARKII UGU DANBEEYAY