Monday, May 29, 2023
spot_imgspot_img
Warning: Array to string conversion in /customers/4/b/b/hiiraanweyn.net/httpd.www/wp-includes/shortcodes.php on line 355
HomeQaramada Midoobey Oo Iiraan ku Eedeysay Inay Hub Siiso Jabhada Xuutiyiinta Yemen
Array

Qaramada Midoobey Oo Iiraan ku Eedeysay Inay Hub Siiso Jabhada Xuutiyiinta Yemen

Warbixin ka soo baxday Qaramada Midoobey ayaa lagu eedeeyay in Iiraan ay hub siiso Jabhada Xuutiyiinta ee dalka Yemen.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa sheegay in hubeynta Iiraan ee Jabhada Xuutiyiinta ay aheyd mid soo jirtay tan iyo sanadkii 2009-kii.

Sidoo kale Golaha Ammaanka ayaa ka codsaday Xulufada uu Sacuudiga hogaamiyo, si loo helo xaalad lagu wada hadli karo iyo in la gaaro xabad joojin.

Sacuudiga ayaa horay ugu eedeeyay Iiraan inuu taageero siiyo Xuutiyiinta, kuwaasoo horay u qabsaday qeybo ka mid ah dalka Yemen.

Xulufada uu hogaamiyo Sacuudiga ayaa duqeymo ka dhan ah Jabhada Xuutiyiinta wali ka wada dalkaas, iyadoo wali jabhada ay sii wado dagaalkeeda ku aadan in guud ahaan dalka Yemen oo idil ku qabsato.

Golaha Ammaanka ayaa horay cunaqabateyn ugu soo rogay Jabhada Xuutiyiinta Yemen, iyadoo hogaamiyeyaasha jabhadaas ka mamnuucay safarada, isla markaana hantidooda fariisiya

MUQAALO

WARARKII UGU DANBEEYAY